Dowladda Greece oo mamnuucday isku imaatinka dadka ka badan 10 qof

Dowladeda Giriigga ayaa maanta waxay soo saartay amar lagu mamnuucaya inay hal meel isugu tagaan 10 qof iyo wax ka badan.
Go’aankan ayaa la doonaya in lagu xakameeyo faafitanaka Coronavirus.
Wasiirka maareynta musiibooyinka ee dalkaas, Nikos Hardalias ayaa warfidiyeenka u sheegay in sido kale ay Khasab tahay in la xaddido ka bixitaanka guriyaha oo bannaanka la aado oo keliya marka ay dani muhiim ah jirto oo keliya.
Tirada kiisaska Coronavirus ee laga soo tabiyay wadankaas ayaa shalay waxaa ku kordhay 31 iyadoo gaartay 418.
Dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19 ee Giriigga ayaa ah 5 qof.
Mr. Hardalias ayaa sido kale sheegay in cid kasta oo aan u hoggaansamin amarrada la soo saaray lagu ganaaxaya 1,000 Yuuro.
Dowladda dalkaas ayaa laba malmood ka hor amartay in la xiro dhammaan xarumaha badeecooyinka sida tafaariiqda ah ku iibiya.
Waxaa furan oo keliya farmasiyada , xarumaha waaweyn ee laga dukaameystp iyo kaalimaha shidaalka.
Amarkan oo shalay dhaqangalay ayaa jiraya muddo 10 cisho ah.
Sido kale Giriigga ayaa adkeeyay xuduudda wuxuuna inay dalkiisa gudaha u galaan o golaanaya oo keliya muwaadiniinta wadankaas iyo shacabka dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here