Dowladda Hong Kong oo weli ku adkeysanaysa dhaqangalinta sharci muran dhaliyay

Maamulka ka taliya jamhuuriyadda Hong Kong ayaa wacad ku maray inaan laga laaban doonin dhaqangalinta sharci ku saabsan tarxiilka oo muran dhaliyay.
Ciidamada booliska ee qaabilsan ka hor tagga dibadbaxyada ayaa saaka isku gaadaamay xarunta booliska ee Hong Kong si ay ula tacalaan mudaharaadyo shalay dhacay oo la filayo inay maanta sii socdaan.
Sharciga ay dadweynaha ka soo horjeedaan ayaa dhigaya in eedeysanayaasha lala xariiriyo dembiyada kala duwan loo tarxiili karo dhanka Shiinaha si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa shalay dibadbaxyo sameeyay taasi oo keentay isku dhacyo dhex maray booliska iyo dadkii isugu soo baxay.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Hong Kong ayaana madaxa maamulkaasi Carrie Lam ka dalbanaya inay xilka iska casisho.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa dhankeeda isbeddelka lagu sameeyay sharciga tarxiilka ee laga gadoodsanyahay ku tilmaantay mid halis ku ah xuquuqul insaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here