Dowladda Iiraan oo Maraykanka ugu Baaqday inuu Joojiyo Hanjabaadda ka Dhanka ah

Kaddib markii  dhawaan  madaxweynaha Maraykanka   Donald Trump uu wacad ku maray inuu iiraan burburinayo haddii aynan  fiirsan ayaa waxaa arrinkaasi   si  kulul uga  jawaabay  wasiirka wasaaradda   arrimiha dibadda ee  xukuumada Tehraan Maxamad Javad Zarif.

Waxaa uu hoggaamiyaha iyo mas’uuliyiinta  Maraykanka   ugu baaqay in ay joojiyaan hanjabaada ka dhanka ah Iiraan.

Mr.Zarif ayaa gaashaanka   u daruuray   hadalkii ka soo yeeray madaxweyne Trump ee ahaa in Iiraan ay baab’in donaan waxaa uuna  kula taliyay  in  uu dib u milicsado taariikhda.

Abaanduulaaha ciidamada Iiraan Cali Hajilou ayaa dhankisa sheegay in Mareykanka iyo cadawga Iiraan aysan awood u lahayn in ay  xukuumadda Tehraan  ka adkaadaan.

Iiraan ayaa horay u sheegtay inaynan  diyaar u ahayn dagaal ay la gasho dal kale  balse   aynan marnaba  u dul qaadan Karin in la daandaansado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here