Dowladda ismaamulka Garissa oo beenisay qof la sheegay inuu Coronavirus ku dhacay

Wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in qof xanuunsan oo isbitaalka la geeyay laga helay cudurka Covid-19.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in qof taleefoon soo diray uu sheegay inuu xanuunsan yahay oo uuna isaga shakisan yahay inuu cudurka saameeyay.
Isla markiiba kooxda ka falcelinta xaaladaha degdegga ee caafimaadka ee (RRT) ayaa tallaabo qaadday.
Waxay baaritaano ku sameeyeen ninkan oo da’diisa lagu sheegay 30 sano jir.
Natiijada ka soo baxday baaritaannada ayaa tilmaamaysa in bukaanka uu horay u qabay xanuunka neef-qabadka ee loo yaqaano Asthma.
Hasa ahaate dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in uunan qabin cudurka dunida walaaca ku beeeray ee Covid-19.
Ninkan ayaanan wadanka dibadiisa u safrin sido kalena wax xariir ah lamuunan yeelan qof cudurka laga helay ama mid u dhawaaday labaduba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here