Dowladda ismaamulka Garissa oo sheegtay inay qodday 72 ceelal ah

Iyadoo shalay caalamka laga xusay maalinka adduunka ee biyaha ayay Dowladda ismaamulka Garissa sheegtay inay qodday sido kalena qalabeysay ceelasha biyaha oo gaaraya 72.
Sido kale waxaa la sii wanaajiyay 40 ka mid ah goobaha biyaha laga helo.
Fulinta mashaariicdan ayaa waxay boqolkiiba 70 fududeysay in dadweynaha ay biyo ku filan helaan.
Laba sano ka hor ayaa helidda adeegga biyaha ee ismaamulka Garissa waxaa lagu sheegay inay ahayd boqolkiiba 45.
Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in maamulkiisa uu sii wado doono in la sameeyo ceelal dheeraad ah iyadoo la kaashanaya hay’adaha aan dowliga ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here