Dowladda ismaamulka Garissa oo war ka soo saartay amar ka soo baxay Nuurdiin Xaaji

Kaddib markii shalay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu amray in dacwado lagu soo oogo barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane iyo afar eedeysanayaal oo kale ayaa waxaa arrinkan ka falcelisay dowladda ismaamulkaas.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga dowlad deegaanka Garissa ayaa lagu xusay in lacagaha hay’adaha dambi baarista ay sheegeen in la musuqmaasuqay sida haboon loo adeegsaday.
Waxaa qoraalka qayb ka ah in lacagtaas lagu qarash geliyay mashaariic horumarineed oo laga fuliyay Garissa.
Mashaariicdan ayaa lagu kala sheegay suuqa qoraxeey oo weli gacanta lagu hayo, marinka bullaacadaha ee waddada Kismayo Road oo aan la dhamaystirin iyo dib u habeynta waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Garissa oo qoraalka lagu sheegay in la gabagabeeyay.
Sido kale dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay in horraantii sannadkan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu billaabay baaritaano ku saabsan in wax isdaba marin lagu sameeyay lacago uu ku deeqay bangiga adduunka.
Dowladda hoose ee Garissa waxay intaa ku dartay in hay’adaha dambi baarista iyadoo ay caddeymo jireen ay ku sii tallaaba qaadeen go’aamo lagu tilmaamay kuwo u muuqdo in horay looga soo baaraan degay.
Sido kale waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa sheegtay in barasaabka, Cali Bunow Qorane iyo eedeysanayaasha kale ay iska xaadirinayaan xafiisyada EACC.
Amarka Nuurdiin Xaaji ayaa yimid kadib markii ay soo baxday eedeyn ah in la lunsaday lacag dhan 235 million oo ka mid ah deeqaha Bangiga aduunka.
Mr Xaji ayaa sheegay in amarka lagu soo xirayo barasabka Garissa ay daba socoto baaritaanadii ay sameeyeen guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa (EACC) taas oo la xiriirtay ku takri falka lacagta la siiyay ismaamulka taas oo ku timid Barnaamijka Taageerada magaalooyinka dalka.
Kadib markay soo gabagabeeyeen baaritaanadooda gudiga EACC waxay ku talisay in barasaabka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Garissa lagu soo oogo dambiyo kala duwan ee musuqmaasuq ah.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogida ee dalka Nuur Diin Xaaji ayaa sheegay in lacagihii la siiyay dowladda Gariisa loo weeciyay meel aan loogu talagalin.
Lacagtan ayaa loogu tala galay in lagu dhiso suuqa Qorahey, dib u habeynta bartamaha wadooyinka Garissa Township , dhisida goobaha biyo mareenka iyo wadooyiin ay adeegsadaan dadka lugaynaya.
Hase ahaate waxaa la sheegay in lacagta la leexsaday intii u dhaxeysay bilihii Febraayo iyo Sebtember sanadkii hore 2019-kii.
Guddoomiye Ali Bunow Korane ayaa lagu eedeeyay inuu fududeeyay ku takrifalka lacagaha deeqda ah.
Mr Nuurdiin Xaaji ayaa hoosta ka xarriiqay inay jiraan cadeymo loo cuskan karo eedeymaha loo soo jeediyay Mr Qorane.
Saraakiisha kale ee iyaguna eedeymaha musuqmaasuqa ah lagu soo oogay waxaa ka mid ah madaxa dhaqaalaha Ibrahim Nur Malow, madaxa maaliyada Maxamad Axmad Cabdullahi , sarkaalka fulinta ee dawlada hoose Cabdi Shale iyo madaxa xisaabaadka dawlada hoose Garissa Axmed Cabdullahi Aaden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here