Dowladda ismaamulka Mandera oo 15 gabdhood u diraysa Turkiga si ay wax uga soo bartaan

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay in xaflad sagootin ah loo sameeyay 15 gabdhood oo maamulkiisa uu siiyay deeq waxbarasho.
Ardaydan ayaa ka mid ahaa kuwii buundooyin wanaagsan ka soo hooyay imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da sannadkii tagay.
Mr. Roba ayaa sheegay in gabdhahan ay Turkiga u safrayaan toddobaadka soo socdo si ay halkaasi uga soo bartaan culuun ay ka mid tahay caafimaadka, injineernimada iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha ayaa xusay in deeqda waxbarasho oo ah mid dhameystiran ay ka mid tahay waxyaabaha maamulkiisa uu doonayo inuu dadweynaha uga tago marka uu talada wareejiyo.
Cali Roba ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaalayo sidii gabdho badan ay fursad ugu heli lahayeen inay bartaan culuunta ay ragga u badan yihiin.
Barasaabka ayaa ardaydan kula dardaarmay inay fursaddan la faaiidaystaan oo ayna dib ugu soo laabtaan ismaamulka si ay dadkooda ugu adeegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here