Dowladda ismaamulka Nairobi oo baaritaano ku sameeysay in ka badan 12,000 qof

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa shaaca ka qaadday in ugu yaraan 12,000 qof laga baaray caabuqa Coronavirus ee sababo cudurka Covid-19.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga hor tago faafidda cudurkan ee ilaa iyo hadda gudaha wadanka lagu arkay 15 kiis oo la xiriira.
12,590 qof oo la baaray ayaa isugu jiro 5,100 qof oo waaweyn , 5, 515 carruur ah iyo 3,477 dhalinyaro ah.
Maalinkii sabtida ayay ahayd markii dowladda ay billowday baaritaano guud oo shacabka lagu sameynaya.
Waxaa sido kale la buufiyay xarunta dhexe ee (GPO), meelaha ay dadweynaha ku nastaan ee hareeraha maqaaxida Hilton , goobta basaska laga raaco ee Kencom, suuqa Gikomba iyo meelo kale oo badan.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Nairobi ,Hitan Majevdia ayaa sheegay inay toddobaadkan diirradda saari doonaan meelaha ugu muhiimsan ee baabuurta laga raaco ee caasimadda wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here