Dowladda ismaamulka Nairobi oo hakisay safarrada dhakhaatiirta

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa maanta hakisay safarrada aan muhiimka ahayn ee howlwadeenada caafimaadka.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo ka fal celinta caabuqa Coronavirus.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 7 kiis oo la xiriira cudurka COVID-19.
Wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Nairobi, Hitan Majevdia ayaa warbaahinta u sheegay in go’aankan lagu doonayo ka hor tagga in howlawadeenada caafimaadka ay cudurka ka soo qaadaan wadamada kale.
Talaadadii ayay ahayd markii ismaamulka Nairobi uu sheegay in tababarro la siin doono ugu yaraan 3,000 oo ah shaqaalaha caafimaadka.
Ilaa iyo hadda waxaa arrimaha Coronavirus tababar laga siiyay 80 sarkaal oo ku sugan isbitaalka Mbagathi ee Nairobi I, 112 kale oo ka howlgalaya Mama Lucy Hospital iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee caasimadda wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here