Dowladda ismaamulka Nakuru oo shaqaalaysiisay 295 saraakiil caafimaad ah

Ismaamulka Nakuru ayaa waxaa laga shaqaalaysiisay 295 howlwadeeno caafimaad oo dheeraad ah sis are loogu qaado bixinta adeegyada ay bulshada u baahan yihiin ee gobolka Rift Valley.
Saraakiishan ayaa isugu jiro kuwo ku takhasusay culuunta kala duwan ee caafimaadka.
Waxaa sido kale ka howlgeliyay 21 dhakhaatiir , la taliyayaal caafimaad iyo 30 qof oo tababar gaarka ah u leh gurmadka degdegga .
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Nakuru Dr .Gichuki Kariuki ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay xoojinta howlaha caafimaadka ee ismaamulkaas.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in saraakiishan marka laga soo tago inay kaalin weyn ka qaadanayaan la tacaalidda cudurka COVID19 ay ka shaqeyn doonaan deegaannada kala duwan.
Maamulka uu hoggaamiyo barasaabka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa sheegay inay ka go’an tahay wanaajinta arrimaha caafimaadka.
Ismaamulka Nakuru ayaa waxaa cudurka COVID19 laga baaray dheecaanka dad dhan 10,000 waxaana ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay 680 oo ah kiisaska fayraska corona , halka ay cudurka u dhinteen 14 qof waxaana gudaha Nakuru kaga caafimaaday 140 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here