Dowladda Itoobiya oo duqeeysay caasimadda Tigrey

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa duqeeyay caasimada gobolka Tigreega iyada oo xukuumadda Abiy Axmad ay ka dhaga adeegtay baaqyada kaga imaanaya beesha caalamka ee ah in la wada hadlo.
Ann Encontre oo ah ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in shacabka magaalada Mekelle ay soo sheegeen duqeymo dhanka cirka ah meel aan ka fogeyn caasimadda.
“Ma garaneyno cidda la beegsanayay iyo meesha laga soo beegsaday”, ayey tiri Encontre.
Afar saraakiil oo diblomaasiyiin ah ayaa sheegay in ciidamadda militariga ee Itoobiya ay duqeeyeen gudaha iyo agagaarka magaalada Mekelle balse aan la garaneynin khasaaraha ka dashay.
Dawladda Itoobiya ayaan weli ka hadlin duqeymahani.
Debretsion Gebremichael, hoggaamiyaha xisbiga TPLF ayaa sheegay in ugu yaraan labo qof oo shacab ah ay ku dhinteen weeraradaasi halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen.
Waxaa uu sido kale xusay in marka laga soo tago magaalada Mekelle , weerar dhanka cirka ah lagu qaaday magaalada Alamata ee dhacda Koonfurta gobolka Tigrey.
Ciidamada Itoobiya ayaa horay u sheegay in la xorreeyay magaalada Alamata oo 120 kiilomitar u jirta caasimada Mekelle.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaashaanka u daruuray baaqyada ah in uu wada hadal la galo maamulka dowlad deegaanka Tigreega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here