Dowladda Japan oo la filayo inay xaalad degdeg ah ku dhawaaqdo

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa lagu wadaa in berri oo Talaado ah uu ku dhawaaqo xaalad degdeg oo wadankaas uu galaya.
Wargeyska gudaha dalkaas ka soo baxo ee Yomiuri ayaa sidatan ku warramaya.
Tani ayaa ku soo aadaysa in ilaa iyo hadda kiisaska caabuqa Coronavirus ee laga soo tabiyay magaalada Tokyo oo keliya ay kor u dhaafeen 1000.
Hasa ahaate afhayeenka dowladda Japan Yoshihide Suga ayaa sheegaya inaan weli go’aan kama dambeys ah oo ku aaddan xaalad degdeg ah weli la qaadan.
Gudaha Japan in ka badan 3,500 oo qof ayaa cudurka Covid-19 laga helay waxaana u dhintay 85 ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here