Dowladda Kenya iyo FBI oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in laanta dambi baarista xukuumadda Washington ee FBI-da iyo dowladda Kenya ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka argagixisada.
Kenya ayaa loo xushay inuu ka howlgalo ama ay noqoto meesha uu ka dhisan yahay guddi iskudhaf ah oo Maraykanka uu maalgelinaya.
FBI ayaa dowladda dalka ka caawin doonto sare u qaadidda dhanka tayada baaritaanada.
Waxay tani ku soo aadaysa kaddib kulan toddobaadkii hore madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Maraykanka Donald Trump ku dhex maray aqalka cad ee White House .
Heshiiska la saxiixday ayaa dhigaya in koox baarayaal oo ka kooban 42 Kenyaan ah ay ka faaidaystaan tababar soconaya muddo 12 isbuuc ah.
Tababarkan oo ku saabsan la dagaalanka argagixisada ayaa lagu qabanaya machadka FBI Academy ee gobolka Virginia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here