Dowladda Kenya oo Dhaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Guriyeynta ku Biirinaysa 3 Milyan oo Dheeraad ah

Madaxweynaha dalka  Mr. Uhuru Kenyatta ayaa   sheegay in maamulka uu hoggaamiyo  ee  Jubilee uu lacag dhan  3 milyan oo shilin  ugu deeqayo hay’adda  jimciyadda  qurumaha ka  dhexeysa  u qaabilsan guriyeynta  ama hooyga ee UN Habitat.

Dhaqaalahan ayaa u dhigma 30,000 oo doolar waxaa uuna Mr. Kenyatta  ku dhawaaqay  xilli uu shalay si rasmi ah u furay   shirka  golaha hay’addan  oo muddo  maalmo  ah ka soconaya  magaaladatani Nairobi.

Hoggaamiyaha dalka ayaa sido kale  ku nuuxnuuxsaday sida dowladda dhexe ay uga go’an tahay  dhaqangalinta  barnaamijka guriyeynta  ee magaalooyinka.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qorshaha dowladda  ay  500,000 oo guriyo ah ku dhisayso looga gol leeyahay  in lagu wanaajiyo  bilicda caasimadda dalka sido kalena dadweynaha  loo fududeeyo inay degaan  guriyo  taya ahaan wanaagsan  qiimahoodana ay awoodi karaan.

Madaxweyne Uhuru  ayaa  dhanka kale   wadamada xubnaha ka ah  qaramada midoobay  ugu baaqay  inay kordhiyaan  dhaqaalaha ay ku biiriyaan  hay’addan.

Hal ku  dhigga   shirkan ayaa ah   wax soo saar  lagu wanaajiyo  noolosha dadweynaha .

Qodobada miiska saaran  waxay kala yihiin   doorashada  madaxa  golaha , tixgelinta  xeerarka  iyo soo xulashada saraakiisha kale.

Agaasimaha guud ee hay’addan  Maimunah Sharif ayaa  sheegtay  in la saadalinayo in sannadka 2050 boqolkiiba 70 ee  shacabka dunida ay ku nooladaan magaalooyinka waweyn.

Waxay carrabka ku dhufatay inay tani micnaheedu tahay inay sare u sii kici karaan  dhacdooyinka la  xariira  nadaafad darrada , wasaqeynta deegaanka  iyo shaqo la’aanta.

Agaasimaha guud ee UN Habitat ayaa sido kale  madaxda shirka  ka  qeyb  galaya  ugu baaqday  inay iska kaashadaan sidii  magaalooyinka waweyn loogu sameyn lahaa  nidaam iyo maamul  adag oo wax ka qaban karo  caqabadaha  ay suurtagalka tahay inay  soo foodsaaraan  dadweynaha ku nool.

Mas’uuliyiinta ayay  kula talisay inay qorshayaashooda horumarineed mudnaanta koobaad ku siiyaan  dib u habeyn magaalooyinka iyo xoojinta mashaariicda  guriyeynta iyo kaabayaasha waddooyinka.

Sido kale waxay  qeexday in caalamka laga doonayo inuu la yimaado wax soo saar la xariira  wanaajinta noolosha dadka deggan magaalooyinka.

Waxay carrabka ku dhufatay in hay’addu ay ka go’antahay inay  jaaliyadda ganacsatada si dhow ugala shaqeyso  dhaqangalinta  qorshaha istaraatiijiga ee    UN-Habitat inta u dhexeysa  sannadka  2020 ilaa 2025-ka.

Maimuna ayaa  sido kale sheegtay in saddex meelood hal meel  dadka deggan magaalooyinka waweyn  ay ku noolyihiin xaafado iskuraran ah  oo inta badan aanan laga helin adeegyada aasaasiga ah.

In  ka badan 3,000 oo qof oo ay ka mid yihiin  madaxweynayaal, wasiiro iyo wakiilo sar sare oo matalaya 116 wadan ayaa shirka ka qeyb galaya.

Waxyaabaha shirka  shalay furmay laga sheegay waxaa ka mid ah inay sare u kacday tirada  kenyaanka ee ku nool xaafadaha iskuraranta ah  taasi oo hadda gaartay 6.4 milyan oo qof  una dhiganta  boqolkiiba 56 ee tirada  guud ee dadweynaha ku nool gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here