Dowladda Liibiya oo xabad joojin ku dhawaaqday

Dowladda ay qaramada midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin ka dhaqan galaysa guud ahaan wadankaas.
Sido kale waxay soo jeedisay in la joojiyo howlaha militari ee ka socdo magaalada istaraatiijiga ee Sirte oo ay gacanta ku hayaan xoogag ka soo horjeeda.
Maamulkan oo uu fadhigiisu yahay magaalada Tripoli ee dalkaas ayaa sido kale dalbaday in meesha laga saaro xayiraadda tan iyo horraantii sannadkan saarneyd shidaalka.
Sido kale waxaa uu maamulkan ku baaqay in doorashada madaxtinimo iyo midda baarlamaanka Liibiya la qabto bisha saddexaad ee sannadkan dambe.
Liibiya ayuu qalalaase ka jiray tan iyo sannadkii 2011-kii markii hoggaanka laga tuuray sido kalena la dilay madaxweynihii mudada dheer talinayay Mucammar Qadaafi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here