Dowladda Lubnaan oo la filayo inay dhinto musharaadka wasiirada

Waxaa la filayaa in dowladda Lubnaan ay meel mariso isbeddelo dhanka sharciga ah oo ay ka mid tahay in la yareeyo musharaadka ay qaataan wasiirada.
Waxaa sido kale boqolkiiba 50 la dhimaya musharaadka madaxweynaha , xildhibaanada iyo sido kale miisaaniyadda la siiyo waaxyaha dowladda.
Tallaabadan ayaa la doonaya in wax looga qabto dhaqaalaha hooseeya ee wadankaasi iyo dibadbaxyada dowladda ka dhanka ah.
Ra’iisul wasaaraha Lebanon Sacad Al-xariiri ayaa lagu soo warramayaa inuu oggolaado in isbeddelada la sameeyo.
Maanta oo isniin ah ayaa lagu baaqay in maalinkii shanaad ee dibadbaxyo qaran ka dhacaan Lubnaan.
Jimcihii ayay ahayd markii Sacad Al-xariiri uu isbeheysiyada siyaasadeed u qabtay muddo 72 saacadood ah oo xal loo wada dhan yahay looga gaarayo xaaladda dhaqaale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here