Dowladda Malawi oo lacago siineyso dadka saboolka ah

Dowladda Malawi ayaa bilaabi doonta barnaamij lacag lagu gaarsiinayo ku dhawaad 1 milyan oo qof iyo ganacsiyada yaryar ee dalkaasi ee uu saameyay fayraska korona.
Madaxweyne Peter Mutharika ayaa Talaadadii sheegay in qooysaska ay heli doonaan 40 doolar bil kasta laga bilaabo bisha May iyaga oo loo soo marinayo taleefonada gacanta.
Madaxweynaha ma uusan sheegin mudada uu socon doona barnaamijkan balse waxaa uu xusay in uu xoojin doona noolal maalmeedka dadkan.
Dalkan saboolka ah oo lagasoo tabiyay 36 kiis iyo dhimashada saddex qof oo la xiriirta cudurka korona ayaa waxaa uu la daalaa dhacayay dhaqaala xumo sannadihii la soo daafay waxaana ka jiray xasilooni darri la xiriirta hoos u dhac heerka nolasha.
Bangiga Aduunka ayaa sheegay in isbuuci la soo dhaafay uu meel mariyay lacag dhan 37 milyan oo doolar oo loogu tala galay in dalkaasi u kaga hortago fayraska korona.
Mucaaradka dalkaasi iyo hay’aadaha xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceyn u jeediyay madaxweyne Mutharika qaabka uu uga hortagayao fayraska waxayna ku eedeeyeen inuu danihiisa ka hor mariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here