Dowladda Malaysia oo ganaaxday dad lala xariiriyay musuqmaasuq

Dowladda Malaysia ayaa ganaax lacageed saartay ilaa 80 qof iyo shirkado lagu eedeyay inay lacago ka heleen sanduuqa horumarinta dalkaasi ee 1MDB.
Arrimahan waxaa shaaca ka qaaday madaxa Malaysia u qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Dambi baarayaasha dowladaha Malaysia iyo Maraykanka ayaa sheegay in 4.5 bilyan oo doolar laga lunsaday sanduuqa qaran ee dalkaasi.
Barnaamijkan ayaa 2009-kii waxaa aasasay ra’iisul wasarihii hore ee dalkaasi Najib Razak.
Mr. Najib, oo looga guulaystay doorashadii ugu dambeysay ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xariira lunsasho lacageed.
Waxaa loo haystaa inuu hal bilyan oo doolar si aan habbooneyn uga helay sanduuqa dowladda in kastoo uu eedeymahaasi iska fogeeyay.
Madaxa waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Malaysia Latheefa Koya, ayaa warfidyeenada u sheegay inay doonayaan in dib loo soo helo 100 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here