Dowladda Mandera oo qeybisay waxyaabaha looga hortago caabuqa Covid-19

Xukumadda ismaamul goboleedka Mandera ayaa bixisay 5000 oo maaskaaro ah iyo 4000 oo ah waxyaabaha jeermiska dila si looga hortago cudurka CoronaVirus.
Xubnaha guddiga fulinta caafimaadka Mandera oo uu hogaaminayay Dr Mahamuud Aadan ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta bixinayay waxyaabaha ay dadka uga gaashanataan COVID-19.
Waxaa la siiyay takaasilayda iyo dadka u xil saaran nadaafada wadooyiinka, ganacstada si kor loogu qaado dagaalka lagula jira caabuqa CoronaVirus.
Ismaamulka Mandera ayaa ka mid ah dowlad deegaanada uu saameyay Cudurka aduunka ka jira waxaana lagu arkay kiisas dhan 8.
Dowladda ayaana dhawaan ku soo rogtay xayiraad oo aan laga gali Karin lagana bixi Karin Mandera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here