Dowladda New Zealand oo kordhisay mudada xayiraadda magaalada Auckland

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa maanta oo Isniin ah kordhisay mudada ay sii jirayso xayiraadda dhanka isku socodka ee horay loogu soo rogay magaalada Auckland.
Amarkan ayaa sii shaqeynaya ilaa dhammaadka toddobaadkan.
Sido kale waxay shaacisay amar ah inay khasab tahay in qof kasta oo adeegsanaya gaadiidka dadweynaha uu maaskaro xirto.
Haweeneydan ayaa sheegtay in mudada xayiraadda ee la kordhiyay ay aad muhiim ugu tahay xakameynta xaaladaha caabuqa corona.
Shir jaraaid oo ay qabatay ayay ka sheegtay inay doonayaan in muwaadin kasta kalsooni lagu abuuro sido kalena loo xaqiijiyo badqabkiisa.
Xayiraadda 11-kii bishan la saaray magaalada Auckland ayaa ku ekeyd maalinka Arbacada ee toddobaadkan balse waxay sii jiri doontaa ilaa saqda dhexe ee habeenka Axadda.
Dalka New Zealand waxaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay in ka badan 1,300 oo ah xaaladaha cudurka COVID-19 iyo dhimasho dhan 22 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here