Dowladda oo 1.3 bilyan ku qarash gelisay la tacaalidda coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda dowladda dhexe ay lacag dhan 1.3 bilyan oo shilin ay u adeegsatay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus .
Gudaha wadanka waxaa laga xaqiijiyay 384 kiis waxaana cudurka u dhintay 15 qof.
Warbixin baarlamaanka loo gudbiyay ayaa tilmaamaysa in 330 milyan oo lacagtan ka mid ah lagu qarash geliyay qalabka sheybaarka hallka 277 milyan lagu soo iibiyay qalabka ay saraakiisha caafimaadka isaga ilaaliyaan in cudurka loo gudbiyo ee (PPEs).
Qalabka baaritaannada lagu sameeyay waxaa lagu soo iibiyay 196 milyan oo shilin.
Shidaalka ilaa 30 baabuur ah waxaa ku baxday 14 milyan.
Lacagta 1.3 bilyan oo ay dowladda sheegtay in ilaa iyo hadda ay adeegsatay waxaa qeyb ka ah hal bilan oo uu ku deeqay bangiga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here