Dowladda oo 15 milyan oo carruur ah qaab dijitaal wax ku baraysa

Wasaaradda waxbarashada ee dalka iyo machadka horumarinta manjahka tacliinta ee KICD ayaa iska kaashanaya in lagu guulaysto sidii ardayda casharrada ay u baahan yihiin qaab dijitaal ah loogu gudbin lahaa.
Waxaa qorshahan lagu bartilmaameedsanaya oo la filaya inay ka faaiidaystaan ilaa 15 milyan oo arday ah.
Arrintan ayaa timid maalmo un kaddib markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu amray in la xiro dhammaan xarumaha waxbarashada si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka COVID-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus.
Machadka KICD ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay uu diyaarinayay casharrada dijitaalka ee dugsiyada.
Wasaaradda waxbarashada ayaa lagu wadaa in laga billaabo toddobaadka soo socdo ay raadiyaha , telefishinnada , You-Tube iyo barta the Kenya Education Cloud ay u adeegsato sare u qaadidda arrimahan.
Wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha ayaa sheegay inay ku dadaalayaan in ardayda ay waxbarashada sii wataan iyagoo guriyahooda joogo.
15-ka milyan oo barnaamijkan lagu bartilmaameedsanaya ayaa isugu jiro kuwa dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare ee wadanka.
Waxaa uu wasiirka intaas ku daray in iyadoo la kaashanaya warbaahinta Dowladda ee KBC , barnaamijyo dhanka tacliinta ah la soo deyn doono isniin ilaa Jimco .
Casharrada ayaa idaacadda Radio Taifa laga siidayn doonaa inta u dhaxaysa 10-ka ilaa iyo 11-ka barqanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here