Dowladda oo 18 bilyan ku bixinaysa arrimaha biyaha ee Nairobi

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale gaaraya 18 bilyan oo shilin loo adeegsan doono mashaariicda dhanka biyaha iyo bullaacadaha ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Tallaabadan ayuu ku sheegay inay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha wadanka.
Dr. Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii dad badan ay biyo helaan ay tani kaalin weyn kaqaadanayso wanaajinta noloshooda iyo kobaca dhaqaale.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xilli uu ku sugnaa xaafadda Dandora waxaa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan dadaalo lagu xaqiijinayo sidii dhammaan shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee ismaamulka Nairobi ay si siman u heli lahayeen adeegyada biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here