Dowladda oo 300 oo milyan u qoondeysay ka hor tagga Coronavirus

Dowladda dhexe ayaa 300 oo milyan oo shilin ugu tala gashay in loo adeegsado ka hor tagga caabuqa Coronavirus ee saameynta ku yeeshay qaar ka mid ah wadamada caalamka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe oo ka soo hormuuqday guddi iskudhaf ah oo matalaya aqalka sare iyo baarlamaanka ayaa arrintan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu dadweynaha u xaqiijiyay in ilaa iyo hadda uunan jirin kiis firuusigan la xiriira oo gudaha wadanka laga diiwaangeliyay.
Sido kale waxaa uu xusay in 27 kiis oo laga shakiyay dhammaantood baaritaano kaddib la xaqiijiyay inaynan ahayn Coronavirus.
Mutahi Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in la xoojiyay baaritaanada laga sameynaya meelaha wadanka laga soo galo.
Sido kale waxaa uu xildhibaanada iyo senetarrada u sheegay in tan iyo 20-kii bishii koobaad ee sannadkan la baaray 437,922 qof.
Wasiirka ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay inay mas’uuliyad shakhsiyeed muujiyana oo ayna mar kasta nadaafadda ku dadaalaan.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Mr. Najib Balala ayaa sheegay in dowladda ay lacag dhan 500 milyan oo shilin u qoondeysay sidii waaxyaha dalxiiska looga caawin lahaa inay ka soo kabtaan saameynta hor dhaca ah ee ka soo gaartay caabuqa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here