Dowladda oo 8 bilyan u qoondeysay dugsiyada 30 ismaamul

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhaqaale gaaraya 8 bilyan oo shilin u qoondeysay in lagu wanaajiyo kaabayaasha waxbarasho ee dugsiyada ku yaalla 30 ka mid ah ismaamulada dalka.
Waxaa uu wasiirka dadweynaha u xaqiijiyay in dhammaan 1,088,986 arday ah oo imtixaanka sameeyay ay fursad u helayaan inay ku biiraan dugsiyada sare ee dalka.
Magoha ayaa xusay in si buuxda loo dhaqangelinayo qorshaha dowladda ee ah in ardayda boqolkiiba boqol ay u gudbaan heerka xiga ee tacliinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here