Dowladda oo 80 bilyan ku qarash galinaysa mashruuc dhanka bullaacadaha

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uu lacag ka badan 80 bilyan oo shilin u adeegsanayo in dib u habeyn iyo ballaarin lagu sameeyo mashruuc ku saabsan nadaafadda.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay in dhaqaalahan muddo saddex sano ah la isticmaali doono si loo wanaajiyo kaabayaasha dhinaca bullaacadaha ee dalka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in qorshuhu uu yahay in dhaqangelinta mashruucan la dhameystiro sannadka 2022-ka.
Dhanka kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wasaaradda biyaha iyo nadaafadda ku amray inay ku dadaasho sidii loo nadiifin lahaa biyaha wasaqeysan si looga faaiidaysto dhanka waraabinta beeraha.
Sido kale madaxweynaha ayaa sheegay in awood dheeraad ah la siinayo maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA iyo maamulka kheyraadka biyaha ee (WRA) si ay ugu guulaystaan dhaqangelinta shuruucsa dastuuriga ah oo ayna uga hor tagaan wasaqeynta goobaha kala duwan ee ay biyuhu ku jiraan sida badaha iyo ceel biyoodyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here