Dowladda oo amar ka soo saartay safarrada dibadda ee shaqaalaheeda

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. UKur Yatani ayaa amarro adag ka soo saaray safarrada shaqaalaha dowladda ay ku tagaan dalka dibaddiisa.
Waxaa uu hakiyay socdaal waliba oo ku aaddan in dal kale la tago si loo soo arko ama wax looga soo fahmo qaab ay arrin u sameyaan tani oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangalaysa.
Sido kale waxaa go’aanada wasiirka oo lagu xusay wareegto uu soo saaray ka mid ah in la xaddiday tirada xubnaha wafdi waliba oo Kenya ka socdo oo howlo qaran u tagaya qurbaha taasi oo lagu soo reebay afar.
Safarrada gudaha wadanka ee loo isticmaalo diyaaradaha ayuu Mr. Yattani sheegay in loo adeegsan karo oo keliya heerka ugu hooseeya ee loo yaqaano economy class.
Sido kale dowladda ayaa sido kale boqolkiiba 75 dhintay iibsashada wargeysyada iyo kuraasta xafiisyada .
Tallaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaddido isticmaalka miisaaniyadda dowladda si culeys kale sida qaadashada deymo dheeraad ah uunan ugu imaan.
Wareegtadan ayaa nuqulo ka mid ah la gaarsiiyay dhammaan waaxyaha iyo wakaaladaha dowladda dhexe.
Amarrada wasiirka ayaa sido kale saameynaya howlaha waaxda garsoorka iyo baarlamaanka.
Saraakiisha wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda u qaabilsan dhanka xisaabaadka ayaa lagu amray in dhammaan tababarada ay dowladda maalgelinayso lagu qabto gudaha wadanka gaar ahaan dugsiga dowladda ee KSG ama xarumaha kale marka laga reebo koosaska khaaska ah.
Dowladda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah howlaha dibadda loo tago iyadoo laga faaiidaysanaya horumarka teknoolojiyadda la fulin karo.
Kulamada caalamiga , seminaarada iyo aqoon isweydaarsiga ay shaqaalaha dowladda doonayaan inay dibadda uga qeyb galaan waa in la caddeeyo faaiidada ugu jirta shacabka ka hor inta aan loo oggolaan.
Sii hayaha xilka wasiirka maaliyadda ahna wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Mr. Ukur Yattani ayaa sido kale ku taliyay in kaarka lagu hadlo ee xafiisyada kala duwan laga isticmaalo la dhimo boqolkiiba 30 oo baddelkeeda la adeegsado wicitaanada loo isticmaalo intarneetka iyo qaababka kale ee qarash ahaan hooseeya.
Sido kale wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda gaar ahaan saraakiisha qaabilsan xisaabaadka ayaa lagu amray in wargeysyada aynan u adeegsan in lagu soo bandhigo qorshayaasha istaraatiijiga ah iyo munaasabadaha kala duwan balse ay adeegsadaan shabakadaha ama website-yada rasmiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here