Dowladda oo amartay in la keeno 100,000 oo ah qalabka lagu rido meydka xili kiisaska Corona ay sii kordheen

Dowladda ayaa amrtay in la soo iibiyay 100,000 oo ah qalabka lagu rido meydadka iyada oo taasi la sheegayo inay tahay u diyaar garowga xaaladda daran.
Tani ayaa imaneysa, halka kiisaska iyo dhimashada Coronavirus ay sii kordhayaan. Ila iyo hadda waxa la xaqiijiyay 16,268 oo xaaladood iyo 274 oo dhimasha ah.
Warqad ay wasaaradda caafimadka u qortay laanta soo qaybinta qalabka caafimadka ee Kemsa, ayaa ku cad in la doonayo inay noqdaan kuwa tayadoodu wanagsanatahay, oo dheererkeedu yahay 40 ila 90 inch.
Kemsa waxay sheegen inay go’anka kama dambays ah ay ka sugayaan saraakiisha wasaaradda Caafimadka, hadii ay helanaa ay durbadiiba bilaabi doonan soo iibinta agabkaasi lagu rido meydka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here