Dowladda oo baaraysa warbixin lagu sheegay in gabdho badan la uureeyay

Dowladda dhexe ayaa guda gashay baaritaano ku saabsan warbixin dhawaan la soo bandhigay taasoo tilmaamaysa in gabdho tiro badan la uureeyay tan iyo intii cudurka covid-19 lagu arkay gudaha wadanka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Nakuru ayaa sheegay in tirada la shaaciyay ay suurtagal tahay in la buunbuuniyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaradda ay ka warqabto kiisas qaar balse ay u badan tahay in macluumaadka la shaaciyay ay ka dambeeyaan shakhiyaad dano gaar ah leh.
Wasiirka ayaa dhanka kale soo jeediyay in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo sameysa xadgudub dhanka galmada ah gaar ahaan gabdhaha ardayda ah.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo aad loo hadal hayo 4000 oo gabdhood oo la sheegay in lagu uureeyay ismaamulka Machakos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here