Dowladda oo baaritaano la xiriira COVID19 ka sameyn doonto dugsiyada

Agaasimaha waaxda caafimaadka dadweynaha Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ay dhawaan billaabi doonto baaritaano ka dhan ah cudurka COVID19 oo laga sameynaya dugsiyada.
Dr. Amoth ayaa xusay in dowladda ay diyaarisay nidaam si dhow lagula soconaya kiisaska fayraska corona maadaama qaar ka mid ah fasallada dugsiyada dib loo furay.
12-kii bishan ayay ardayda dhigata fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay dib u billowdeen casharradooda.
Goobaha waxbarashada ayaa xirnaa tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan xilligaas oo xaaladdii ugu horeysay ee caabuqa corona laga xaqiijiyay gudaha wadanka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bishii hore sheegay in hadii ay kordhaan kiisaska coronavirus ee gudaha wadanka , dib loo soo celin doono xayiraado dhanka isku socodka oo la qaaday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here