Dowladda oo beenisay in Kenya ay Shiinaha weydiisatay amaah lacageed

Madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa gaashaanka u daruurtay warbixino la tabiyay oo lagu sheegay in dowladda Kenya aynan ku guulaysan inay wadanka Shiinaha ka hesho amaah lacageed oo dhan 368 bilyan oo shilin.
Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Mr. Nzioka Waita ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo laga xumaado.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in safarka madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, madaxa mucaaradka Raila Odinga iyo wasiiro dhowr ah ay ku tageen Shiinaha aan mudnaanta koobaad lagu siinin in Kenya ay amaah ka hesho xukuumadda Beijing.
Dhanka kale wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa sheegtay in xita in Kenya ay amaahda la sheegay ka hesho Shiinaha aynan ka mid ahayn ajeendayaasha shirka dhexmaray labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here