Dowladda oo beenisay in la tirtiray macluumaadka shacabka la diiwaangeliyay

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay waxba kama jiraan ku tilmaantay warar lagu faafiyay baraha bulshada ay ku wada xariirto.
Wararkaasi ayaa lagu sheegay in loo dhacay kaddibna la tirtiray macluumaadka dadweynaha isku diiwaangeliyay hannaanka casriga ah ee loo yaqaano NIIMS ama Huduma Number.
Waxay wasaaraddu shacabka Kenyaanka ku wargelisay inay ogadaan in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah .
Qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sido kale lagu xusay in ilaa hadda ay isdiiwaangeliyeen 23.5 milyan oo qof.
Kenyaanka ayaa lagu booriyay inay maamulada kala duwan ku soo wargeliyaan dhacdo kasta oo ay ka shakiyaan ama u arkaan mid lagu marin habaabinayo gaar ahaan diiwaangelinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here