Dowladda oo beenisay inay bartilmaameedsanayso muslimiinta

Kaddib markii iyadoo lagu guda jiro bisha Ramadaan xaafadaha islii iyo Old Town lagu soo rogay xayiraad ayaa waxaa ay dhaliil ka dhalatay go’aanka dowladda oo dadka qaar ay ku eedeyeen inay muslimiinta bartilmaameedsi ku hayso.
Hasa ahaate maamulka talada haya ee Jubilee ayaa sheegay inay eedeymahaas waxba kama jiraan yihiin.
Dr.Rashid Aman oo ah xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in xayiraadda la saaray labadan xaafadood looga gol leeyahay oo keliya in lagu xakameeyo faafitaanka caabuqa coronavirus maadaama kiisas dhowr ah laga soo tabiyay.
Xoghayaha ayaa shacabka ku booriyay inay raacaan amarrada iyo talooyinka dowladda oo uu ku tilmaamay kuwo lagu badbaadinayo nolosha dadweynaha .
Waxaa uu xusay in go’aanka dhawaan soo baxay uunan ahayn mid lagu dhibaateynayo muwaadiniinta balse loogu daneynaya.
Tan iyo shalay waxaa gudaha xaafadda islii ku sugan saraakiisha ammaanka oo celinaya dadka iyo baabuurta xaafadda soo galaya ama ka baxaya haddii qofku uunan ka mid ahayn shakhsiyaadka bixinaya adeegyada muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here