Dowladda oo beenisay inay dafirtay amarro maxkamadeed

Dowladda dhexe ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymo loo jeediyay oo ah in qaar ka mid ah saraakiisheeda ay iska dhaga tiraan amarrada ka soo baxo maxkamadaha wadanka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Kennedy Ogeto oo ah caawiyaha xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Mr. Ogeto ayaa hoosta ka xarriiqay in golaha fulinta uunan weligii dafirin amar maxkamadeed.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda ay faahfaahin ka bixisay tallaabo kasta oo ay kaga falcelisay go’aamada waaxda garsoorka.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in eedeynta dowladda loo jeediyay ay ku saleysan tahay waxyaabo xaqiiq ah oo si qaldan loo fasiray.
Dabayaaqadii sannadkii hore ayuu madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga cabasho ka muujiyay u hoggaansan la’aanta go’aamada ay soo saaraan ee ka dhanka ah ama saameynaya maamulka talada haya.
Ururka qareenada dalka ee (LSK) ayaa dhankiisa sheegay inuu arrintan kala hadi doono xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here