Dowladda oo berri billaabaysa baaritaano lagu sameeynayo dadweynaha

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday in laga billaabo berri oo Sabti ah Dowladda ay guda galayso baaritaano lagu sameynayo shacabka..
Waxaa dadweynaha laga baaraya caabuqa Coronavirus ee sababo cudurka COVID-19.
Mr. Kagwe ayaa dhanka kale sheegay in kiisaska cudurkan ee gudaha dalka laga xaqiijiyay inay weli yihiin toddobo.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sided qof oo la baaray kaddib markii laga shakiyay aan xanuunka lagu arkin.
Toddobada qof ee cudurka COVID-19 laga helay ayaa isugu jiro 6 Kenyaan iyo qof dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Burundi.
Mr. Mutahi Kagwe, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in dhammaan bukaanka aynan xaaladooda liidan si dhowna loola socdo.
Dhanka kale Dowladda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay dabagal ku sameysay 145 qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la sameeyeen dadka uu cudurka soo ritay si iyagana loo karantiilo.
Ilaa iyo hadda waxaa baaritaano lagu sameeyay in ka badan 600,000 oo qof oo Kenya siyaabo kala duwan ku soo galay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ugu baaqay in si loo xaqiijiyo inaan cudurka la isku gudbin , cid kasta laga doonayo inay nadaafadda si iskeed ah ugu dadaasho.
Mas’uuliyiinta xaafadaha ee loo yaqaano Nyumba Kumi, guddoomiyaasha tuulooyinka , ku xigeenadooda iyo sido kale saraakiisha ammaanka ayaa lagu amray inay howlwadeenada caafimaadka kala shaqeyaan baaritaannada ay dadweynaha ku sameeynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here