Dowladda oo bilawday raadinta dadka haysta hubka sharci darada ah

53

Xukumadda dalka ayaa bilawday raadinta dadka haysta hubka sharci darda ah oo aan diiwangashneyn.
Dad gaaraya 4,293 ayaa haysta hub aan diiwaangashneyn waxaa ayna usbuuc ka hor dowlaada u qabatay inay soo celiyaan.
Waxaana dhamaatay mudadii ay dowladda fursadii u siisay inay hubka soo dhiibaan dadka sida sharci darada ah u haysta.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Hillary Mutyambai ayaa sheegay in dadka haysta hubka aan diiwaangashneyn loola dhaqmi doono sida qof dambeela ah.
Waxaa uuna sheegay Mr Mutyambai in ila iyo haatan ay 114 qof ay soo celiyeen hubka.
24 saacadood gudahooda ah ayaa loo qabtay dadka uu gacantooda ku jiro hubka inay ku soo celiyaan xarumaha ku dhaw ee laga diiwangaliyo hubka.
Bishii Juun 28-keedii ayay ahayd markii uu wasiirka wasaarada arrimaha gudaha dalka Dr Fred Matiangi uu ku dhawaaqay in dowlada lagu soo wareejiyo hubka aan sharciyaysneyn.
Waxaa uuna ka dhawaajiyay in dadka haysta qoryaha aan ruqsada lahayn lagu tirinayo dadka dambiilayaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here