Dowladda oo billaabaysa barnaamij daryeel ah oo guriyaha laga fulinayo

Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay diyaarinayso qorsho fududaynaya in dadka lagu arko astaamaha fudud ee lala xiriiriyo cudurka COVID- 19 lagu daryeelo guriyahooda.
Arrintan ayaa waxaa warbaahinta u sheegtay xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in qorshahan la fulin doono iyadoo la adeegsanaya talooyinka iyo hab-raaca hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Waxay sido kale Dr. Mercy hoosta ka xarriiqday in guddi farsamo oo arrintan loo xilsaaray uu qodobbo dhowr ah dejiyay.
Guddigan ayaa muddo 24 saacadood gudahood ah waxay is-barbardhig u sameynayaan qodobbada ay diyaariyeen iyo talooyinka hay’adda WHO iyo sido kale xarunta qaabilsan xakameynta cudurrada ee (CDC)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here