Dowladda oo bixisay 32.5 bilyan oo loogu talagalay tacliinta dugsiyada sare

Dowladda dhexe ayaa soo saartay lacag dhan 32.5 bilyan oo shilin taasoo loo qoondeeyay in loo adeegsado waxbarashada dugsiyada sare ee ay ardayda guriyahooda uga hooydaan.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa shaaca ka qaaday in arday kasta sannadkiiba loogu talagalay 22, 240 oo shilin.
Prof. Magoha ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi Girls ee magaaladatani Nairobi oo uu dabagal ku sameynayay qaabka loo diiwaangelinayo ardayda sannadkan ku biiraya dugsiyada sare.
Wasiirka ayaa xusay in maamulayaasha dugsiyadan laga doonayo in ardayda ay qaabilaan oo aan wax lacag ah la weydiin.
Magoha ayaa ku nuuxnuuxsaday inuunan jirin arday la celin doono iyadoo loo aaneynaya inuunan haysan lacag uu isaga bixiyo qarashaadka waxbarashada.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xita gabdhaha dugsiyada dhiganaya haddii ay uur qaadaan aan la eryi karin.
Wasiirka ayaa sheegay in xita gabdhihii umulay xilligii imtixaanada qaran ee KCPE-da la sameynayay ee sannadkii hore la doonayo in fursad loo siiyo inay waxbarashada sii wataan.
Ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee dalka ee sannadkan ku biiraya dugsiyada sare ayaa haysta ilaa maalinka jimcada oo ku beegan 17-ka bishan si ay isaga xaadiriyaan xarumaha looga yeeray.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inaynan jiri doonin shaqa joojin ay ku dhaqaaqayaan barayaasha jaamacadaha oo maalmo ka hor digniin soo saaray.
Barayaasha ayaa dowladda u qabtay ugu yaraan toddobo cisho oo ay ku dhaqangelinayso heshiis ku saabsan mushaar kordhin oo horay loo wada gaaray.
Hasa ahaate Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama sannado badan uu ku howlanaa maamulka mid ka mid ah jaamacadaha dalka in tabashooyinka barayaasha xal laga gaari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here