Dowladda oo bixisay 8.7 bilyan oo la siinaya waayeellada

Dowladda dhexe ayaa soo saartay lacag dhan 8.7 bilyan oo loogu talagalay in la siiyo dadka dhibaatooyinka u nugul si looga fududeeyo culeyska uu la yimid caabuqa Coronavirus.
Tani ayaa timid kaddib amar maalmo ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada Mr. Nelson Marwa ayaa hoosta ka xarriiqay in sido kale dowladda ay bixisay 500 milyan oo shilin oo ka maqnaa dadka naafada ah.
Mr Marwa ayaa xusay in qof kasta oo ka mid ah shakhsiyaadka dhaqaalahan loogu talagalay uu heli doono 8,000 oo shilin.
Dowladda dhexe ayaa dadka dhibaatooyinka u nugul sida waayeellada bil kasta ugu talagashay 2000 oo shilin waxaana 8-da kun ay u dhigantaa lacagtii ay qaadan lahayeen laga soo bilaabo bishii koowaad ilaa bishan afaraad ee April.
Lacagta ayaa si toos ah loogu wareejinaya akoonada bangiyeed ee dadka dowladda ay barnaamijkan u diiwaangelisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here