Dowladda oo bixisay lacago loogu tala galay dugsiyada dalka

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Bellio Kipsang ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay soo saartay 14.5 bilyan oo shilin si loogu adeegsado maaraynta tacliinta dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare .
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in 10.8 bilyan oo dhaqaalahan lagu wareejin doono dugsiyada sare halka 3.65 bilyan loo qoondeeyay dugsiyada hoose dhexe.
Dr. Kipsang ayaa intaasi ku daray in lacagtan ay maamulayaasha xarumaha waxbarasho ka caawin doonto inay ardayda ugu adeegaan sida habboon.
Xoghayaha ayaa sido kale sheegay in lacagtan si toos ah loogu xawili doono akoontiyada bangiyeed ee dugsiyada kala duwan oo la qorshaynayo in la xiro 2-da bisha sideedaad ee sannadkan.
Dowladda ayaa sannad kasta arday waliba oo dhigto dugsiyada sare ka bixiso 22, 244 oo shilin halka kuwa wax ka barto dugsiyada hoose dhexe ay u qoondaysay min 1, 420 oo shilin.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in horay si weyn loogu tiirsanaan jiray macluumaadka ay soo gudbiyaan maamulayaasha balse sannadkan la adeegsaday hannaanka casriga ee NEMIS ee lagu keydiyo xog waliba oo la xariirta tacliinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here