Dowladda oo caawimaad gaarsiinaysa shacabka Turkana

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in gurmad dhanka cuntada ah loo fidin doono boqolaal ka mid ah dadweynaha ismaamulka Turkana.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga fududeeyo culeyska dhanka nolosha ee uu la yimid cudurka sii faafaya ee Covid-19.
Guddoomiye ku xigeenka tuulada Naposmoru ,Charles Ekaran ayaa sheegay in dadka badankoodu ay xoolo dhaqato yihiin oo ayna rajeynayeen in xayiraadaha lagu xakameynaya faafitaanka fayraska corona aynan muddo dheer jiri doonin.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka Koonfurta Turkana Philip Sigei iyo xildhibaanka deegaankaas James Lomenen ayaa labaduba sheegay in dadka ku nool tuulooyinka aynan roobabku ku badneyn ay aad ugu nugul yihiin gaajada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here