Dowladda oo caddeeysay inaan la hor istaagi Karin howlgalada keynta Mau

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Mr. Cyrus Oguna ayaa shaaca ka qaaday inaan marnaba la hor istaagi Karin howlagalada keynta Mau ee ismaamulka Narok looga saarayo q oysas halkaasi deggan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay khasab tahay inuu socdo si buuxdana looga dhabeynayo wajiga labaad ee badbaadinta Keyntaasi.
Mr. Oguna ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uunan niyad xumi ama dani gaar ah ka lahayn howlgalada.
Dowladda gaar ahaan wasaaradda arrimaha deegaanka ayaa ku adkeysanaysa in dadka halkaasi ku nool ay si sharci darro ah ku dageen.
Hadalka afhayeenka dowladda ayaa ku soo beegmaya kaddib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ay walaac ka muujiyeen howlgalada socdo.
Sido kale Mr. Oguna ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka dowladda uu yahay in howlgalada la sameynayo ay sharciga wadanka u degsan waafaqsanyihiin sidaasi awgeedna ay sii soconayaan.
Waxaa uu dadweynaha u xaqiijiyay in saraakiisha arrinkan loo xilsaaray ay u howlgalayaan qaab bani’aadanimo ku saleysan iyadoo wax dhib ah aan loo gaysaneynin shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here