Dowladda oo ciidamo dheeraad ah gaysay Marsabit

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay ismaamulka Marsabit si ay amniga u sugaan kaddib weeraro burcadnimo oo halkaasi ka dhacay.
Talaadadii ayay ahayd markii ilaa 10 qof lagu dilay weerar ay gaysatay dabley hubeysan.
Mr. Oguna ayaa dadweynaha dowlad deegaankaasi ku xaqiijiyay in dowladda dhexe ay sugayso amniga si dhibaatooyin dheeraad ah aynan u saameyn.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa laba sarkaal oo booliska ka tirsan.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inay Marsabit ka dhaceen laba weerar oo midkii ugu horeeyay laga fuliyay degmada Kukuto halkaasi oo saddex qof looga takhalusay halka midka labaadna uu ka dhacay Jaldesa oo lagu dilay 7 qof.
Tallaabada dowladda ay qaadday ayaa timid kaddib cabasho ka soo yeertay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Marsabit oo dalbaday in xaaladda taagan ee amni darro wax laga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here