Dowladda oo cunno qeybnin ka waddo Tana River

Dowladda dhexe ayaa ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ka sameynaysa gurmad dhanka cunnada ah kaddib roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay taasi oo keentay inay xirmaan waddooyin dhowr ah.
Qaar ka mid ah shacabka dowlad deegaankaasi ayaa sidatan u muujiyay dareenkooda ku aaddan dhibaatooyinka soo foodsaaray

Wasiirka dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in dowladda ay dadaalayso inta tabarteeda ah .
Waxaa uu faahfaahin ka bixiyay gurmad ay dowladda dhexe waddo iyo waxyaabaha ilaa iyo hadda laga qabtay wadada isku xirta ismaamulada Wajeer iyo Mandera kaddib buundo ay biyaha la fariisteen

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Tana River Oning’oi Ole Socio ayaa dhankiisa sheegay in waddooyinka iyo buundooyinka ay daadadka saameeyeen qiimeyn lagu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here