Dowladda oo daabici doonto magacyada dadka ka carara goobaha karantiilka

Wasaaradda caafimaadka dalka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in hadii ay dantu keento dowladda ay wargeysyada ka soo baxo gudaha wadanka ku soo daabici doonto magacyada shakhsiyaadka ka baxsado goobaha karantiilka.
Mr. Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in dadkan ay helis gelinayaan naftooda iyo midda shacabka.
Waxaa uu intaa ku daray in hadii goobaha karantiilka oo laga cararo la caadeysto aynan jirin sabab dowladda ka hor istaagaysa inay shaaciso macluumaadka dadka baxsaday sida sawiradooda.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa horay walaac uga muujisay inay jiraan qaar ka mid ah dadka uu haleelay cudurka Covid-19 oo marka baaritaannada lagu sameynaya gudbinaya macluumaad aan sax ahayn taasoo caqabad ku ah la dagaalanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here