Dowladda oo dabagal ku sameynaysa dhaqangelinta tallaabooyinka ka dhan ah COVID19 ee dugsiyada

Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalkani Kenya Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay inay kaashanayaan wasaaradda tacliinta si loo xaqiijiyo in nidaamyo la soo saaray oo lagula tacaalaya cudurka COVID19 si buuxda looga dhaqangelinaya fasallada dugsiyada ee dib u furmay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sidoo kale kooxaha qaabilsan kormeerka dhanka caafimaadka ay heegan sare ku jiraan si hadii kiisaska caabuqa corona ay dugsiyada u gudbaan tallaabooyin degdeg ah loo qaado.
Dr. Amoth ayaa sheegay in dib u furka qaybo ka mid ah dugsiyada wadanka lagu saleeyay waxyaabo ay ka mid yihiin in aan aad la isugu dhawaan.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan ardayda , barayaasha iyo shaqaalaha kale ee xarumaha waxbarashada ee qabo xanuunada gaarka ah.
Isniintii la soo dhaafay ayay dugsiyada dib ugu laabteen ardayda dhigata fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsiyada sare.
Dhanka kale waxaa uu xusay in dadka ay da’dooda ka sarreysa 58 sano ay in ka badan boqolkiiba 50 u badan tahay inay cudurka COVID19 hadii uu ku dhaco ay u dhintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here