Dowladda oo dabagal ku sameynaysa lacago loo qoondeyay la tacaalidda Ayaxa iyo COVID19

Wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta howlaha qaranka ayaa sheegtay inay baaritaano dhanka hanti dhowrka ah ku sameyn doonto qaabkii loo isticmaalay dhaqaale balaayiin shilin oo loogu talagalay in lagula dagaalamo Ayaxa iyo coronavirus.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee lacagahan lagu wareejiyay ka dalbaday inay soo gudbiyana warbixino faahfaahsan.
Mr .Yatani ayaa wasaaradaha u qabtay ilaa maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in warbixinada lagu wareejin doono maareeyaha miisaaniyadda dowladda iyo hay’adda lacagaha adduunka ee IMF si loo xaqiijiyo in dhaqaalahan sida haboon loo adeegsaday.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira in si aan sharci ahayn oo qiimaha saxda ah ka badan lagu soo iibiyay afxirka ama maaskarada iyo qalab kale.
Wasaaradda maaliyadda ayaa dhanka kale sheegtay in la dagaalanka coronavirus loo adeegsaday 40.3 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here