Dowladda oo dhisaysa xarunta talasiinta ee cudurada dhimirka

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inuu jiro qorsho lagu dhisayo xarun bixin doonto talasiinta ku aaddan cudurada saameeya maskaxda.
Waxaa xaruntan laga hirgelinayaa isbitaalka Mathare ee Nairobi.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa xusay inuu jiri doono nambar shaqeynaya maalin iyo habeen oo ay soo wici karaan shacabka qabo xanuunnada dhimirka.
Dr. Aman ayaa sido kale sheegay in xaruntan ay caawin doonto shakhsiyaadka uu cudurka COVID19 ku yeeshay saameynta maskaxeed.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay loo dabaal degay maalinka caalamiga ee ka hortagga isdilka.
Xoghayaha ayaa intaa ku daray in dowladda ay dejisay barnaamijka qaran ee istaratiijiyadda looga hor tagaya in qofku uu naftiisa ka takhaluso ee National Suicide Prevention Strategy Program 2021-2026.
Waxaa qorshahan ku xusan sida looga hor tagi karo falalka isdilka ee gudaha dalka kaddib markii ay dhacdooyinkan kordheen boqolkiiba 58 inta u dhexeysay sannadii 2008 –dii ilaa 2017-kii.
Dib u eegis caalami oo la soo saaray ayaa dhanka kale lagu ogaaday in Kenya ay nambarka 114-aad kaga jirto liiska 175 dal oo ay dhacdooyinkan ku badan yihiin.
Dr. Rashid Aman ayaa xusay in iskucelcelis ahaan tirada boqolkiiba 6.5 oo ka mid ah 100,000 oo qof ay gudaha wadanka isku dilaan.
20-kii bishii Toddobaad ee sannadkan ayuu guddi loo xilsaaray arrimaha caafimaadka maskaxda dowladda ugu baaqay inay ku dhawaaqdo in xanuunka dhimirka uu yahay musiibo qaran.
Guddoomiyaha guddigan Dr .Frank Njenga ayaa hoosta ka xarriiqay in dhibaatadan ay tahay mid baaxad leh sidaas awgeedna la doonayo in looga falceliyo sida ku habboon.
Guddigan ayaa sido kale soo jeediyay in la soo magacaabo guddi madax bannaan oo qaabilsan caafimaadka maskaxda si uu dabagal ugu sameeyo bukaanka cudurkan qabo oo uu warbixin sanadla ah u soo saaro.
Murugada saaidka ah ayaa lagu sheegay nooca ugu badan ee xanuunka dhimirka .
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2014-kii ku sheegtay in Kenya ay nambarka afaraad kaga jirto qaaradda Afrika marka la eego tirada shacabka ku nool ee murugaysan oo xilligaas ahayd 1.9 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here