Dowladda oo dib u dhigtay tijaabo la xiriirta Coronavirus

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay tijaabo ku aaddan caabuqa Coronavirus oo la doonayay in maanta la sameeyo.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in tijaabo ku saabsan sida ay dowladda ugu diyaar garoowday wax ka qabashada cudurka uu firuusigan sababo ee Covid-19 lagu soo bandhigo isbitaalka qaran ee Kenyatta iyo qeybta lagula tacaalo xanuunnada la isku gudbiyo ee Mbagathi .
Mr . Cyrus Oguna ayaa sheegay in dib laga dareemay in arrintan laga maarmi karo.
Dhanka kale xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsaan maamulka , Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in marada lagu xirto wajiga ay u baahan yihiin oo keliya howlwadeenada caafimaadka iyo bukaannada.
Dowladda dhexe ayaa weli ku adkeysanaysa in ilaa iyo hadda gudaha dalka laga xaqiijiyay hal kiis oo keliya.
Mrs. Mercy Mwangangi ayaa shir jaraaid oo ay qabatay ka sheegtay in haweeneydii laga helay caabuqa la daaweynayo.
Waxay hoosta ka xarriiqday in bukaanka ay weli ku jirto isbitaalka qaran ee Kenyatta qeybta lagula tacaalo cudurrada faafo oo ay xaaladeeda soo hagaagayso.
Sido kale Mrs. Mercy ayaa shaaca ka qaadday in dowladda ay ku guulaysatay in dabagal lagu sameeyo 22 qof oo ay bukaanka xiriir la sameysay.
Dadkan ayaa hadda lagu karantiilaya qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka Mbagathi ee magaaldatani Nairobi.
Barasaabka ismaamulka Mombasa , Cali Xassan Joho ayaa dhankiiisa mamnuucay in habeenkii ay shaqeeyaan dhammaan goobaha lagu caweeyo.
Amarkan ayaa jiraya muddo 30 cisho ah hasa ahaate maqaayadaha ayaa furnaanaya ilaa 11-ka habeenimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here