Dowladda oo dib u eegis ku sameyn doonta xayiraadaha dalka saaran

Xukuumadda dalka ayaa ilaa maalinta talaaladada ee 29-ka bishan Sebtember waxay kordhisay tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka Corona Virus .
Madaxweynaha dalka ayaa usbuuca dambe dib u eegis ku sameyn doona xayiraadaha dalka saaran isagoona Kenyaanka khudbad qaran u jeedin doono.
Madaxa Adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ayaa ku sheegay ogeysiis wargays in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu jeedin doono khudbadii 12-aad ee ku saabsan xaaladda COVID-19 ee dalka.
Mr Kinyua ayaa sheegay in la eegi doono hormarka uu dalka ka gaaray COVID 19 tan iyo markii uu dalka ka dilaacay.
Shir qaran oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalka ayuu sheegay inuu qabsoomi doono 28-ka bishaan si looga hadlo talaabooyiinka xiga oo ay dowladda ku dhaqaaqi doonto.
Kulankan ay hoggaamiyaasha yeelan doonaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doona dagaalka ka dhanka ah COVID-19.
Tirada kiisaska dalka ayaa hoos u sii dhacaya tani oo rajo laga muujiyay in dalka uu dhawaan ka dhamaan karo Virus-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here